Odayaal heshiis lasoo galay Al Shabaab oo lagu xiray magaalada Cadaado.

Odayaal heshiis laso galay Alshabaab

Mas’uuliyiinta Maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay inay qabteen qaar ka mid ah odayaal dhowaan u safray magaalada Xarardheere oo uu ka taliyo ururka Al-Shabaab.

Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Aadan Gaboobe ayaa sheegay in odayaasha la xirxiray ay ku dhaqaaqeen talaabo sharci daro ah oo ka baxsan dowladnimada.

Maxamed Aadan Gaboobe ayaa sheegay in odayaashu ogaayeen in dagaal lagula jiro Al-shabaab, ayna ka talaabsadeen nidaamkii dowliga ah ee ka jira Galmudug.

Waxaa uu intaas ku daray iney tahay dembi tegitaanka degaanada Al-Shabaab ee odayaashaas iyo iney la soo galaan heshiis aysan jirin cid ay ku metelaan.

Waxaa uu xusay in dhawaan la soo taagayo Maxkamad ayna wajihi doonaan ciqaabta ka dhalatay dembiga ay galeen, wuxuuna xusay inaan loo dulqaadan doonin cid kasta oo ku kacda falka noocan ah.

Post a Comment

0 Comments