DF oo sheegtay in Howgal qorsheysan lagu dilay 40 ka tirsan Al-shabaab

Ciidamada xooga dalka

Hawlgal qorsheysan oo ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ka fuliyeen ayaa qasaare xoog leh loogu geystay Maleeshiyada AlShabaab sida ay sheegtay warbaahinta DF.

Waxaa howlgalkan uu ka dhacay deegaanka Welmarow oo 40KM u jirta Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Hawlgalka oo dhacay waaberigii hore ee saakay oo Axad ah waxaa uu isugu jiraa duqeyn xaga cirka ah iyo mid dhulka ah oo ay fuliyeen Ciidamada sida gaarka ah u tababbaran ee Danab ayaa waxaa lagu qaaday goob la sheegay inay isku aruursanayeen Al-Shabaab

Sida ay sheegtay warbaahinta DF waxaa halkaasi looga dilay Al-shabaab ku dhowaad 40 dagaalyahan, iyadoo looga furtay hub fara badan.

Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA  ayaa sidoo kale baahisay in hawlgalka al-shabaab looga dilay saraakiil sare, inkastoo aysan magacyadooda sheegin sidoo kalena lagu bur buriyey hub iyo gaadiid dagaal.

Post a Comment

0 Comments