Ciidamo huwan ah oo howlgal ka fuliyay Deegaanno AlShabaab joogeen

Ciidamada xooga dalka

Ciidamada xoogga dalka ee Danab oo kaashanaya kuwa Nabad sugidda iyo daraawiishta Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo culus oo lagu baacsaday  dagaalamayaal katirsan Al Shabaab ka  fuliyey deegaano  ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa ciidamada inta ay wadeen waxa ay ku bur buriyeen xarumo iyo goobo difaacyo u ahaa kooxda Al Shabaab , waxa ay sidoo kale ciidamada soo saareen miinooyin Al Shabaab waddooyinka ku aaseen.

Ciidamada huwanta ah ayaa howlgalka ka fuliyay deegaanno ay kamid yihiin Qalawlaha, Falaqaay, Reebaay, Fantooley, Harboole, Qumbi, Miidow, Shuufa, Habeedley, Cag-libaax iyo deegaano kale dhamaantood ka tirsan Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidamada huwanta ah ee howlgalka sameeyay ayaa sheegay in ay joogteenayaan howlgalada ay ku baacsanayaan dagaalyahannada AlShabaab ay ku eedeeyeen in shacabka dhibaato ku hayaan.

Post a Comment

0 Comments