Shabaab oo qaaday tallaabo ganacsatada ka dhan ah xilli ay wajaheyso culeys badan

Wajiga labaad ee la dagaalanka argagixisada Alshabaab.

Gumaadka ay argagixisada u geysaneyso shacabka Soomaaliyeed waa 15 sano jirsaday, Waxaase hareer socday muddadaasi fog baad iyo dhac ay kooxda u geysaneyso ganacsatada Soomaaliyeed.

Taxanahan 15 jirka ah ayaase markii ugu horreysay la kulmay cadaadis iyo dagaalaad u balaadhan, Jahwareer dhaqaale ayay wajahayaan argagixisada tan iyo markii inta badan ganacsatada u hoggaansatay amarkii dowladda Somaliya ee ahaa in aan wax dhaqaale ah la siin karin kooxda.

Inkasta oo ay weli jiraan ganacsato si dhuumaleysi ah lacago u siiya argagixisada, kuwaasi oo dowladda Soomaaliya iyo hay’addo caalami ah ku daba-jiraan, haddana kooxda waxay bilihii dambe billowday inay beegsato ganacsatada waaweyn ee illaa xad u hoggaansamay mowqidka dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Kooxda waxaa haysata laba xaaladood, mid waa dhaqaale xumo baahsan, midna waa marxalada wejiga labaad ee dagaalka.

Sida ay illo muhiim ah noo xaqiijiyeen mid kamid ah shirkadaha waaweyn ee isgaarsiinta ee dalka ayay kooxda saartay cadaadis gaar ah waayihii dambe, sida; qarxinta xarumaheeda, in loo diido inay gobollo qaar ay xarumo iyo anteeno ka surtaan ama xitaa inay dayactirtaan xarumihii laga burburiyay.

Deegaanada qaarna saacadihii ay doonaan ayay argagixisada amraan in qasab lagu damiyo xarumaha shirkadaas, Kooxda AlShabaab waxay gebi ahaanba horae u joojisay dhammaan wixii gaadiid shirkadda Hormuud ay laheyd ee ka howl-galayay deegaanada ay joogaan.

Al-Shabaab toos uma shaacin dagaalka ay ku qaaday shirkadda Hormuud, balse waxaan ogaanay inay soo rogeen amar ay ku kala dhantaalayaan macaamiisha shirkadaas.

Tallaabadan ay kooxda ku cadaadineyso shirkadaan waxay dadka qaar la xiriirinayaan arrimo ganacsi, balse illo amni oo noo waramay ayaa aaminsan in shirkadaan laga rabo lacago baad ah oo kooxdan ay ku gasho wejiga labaad ee dagaalka.

Waxaa kale oo lagu haystaa in awaamiirtii dowladda u dhago nuglaadeen, Tallaabooyinkan waa dhaqanka iyo dabeecadaha laga fisho koox kasta oo hubeysan oo sii jabeysa.

Argagixisada ka dagaalnta Soomaaliya masii noolaan karaan dhaqaale la’aan, mana sii wadi karaan dagaalka, Ganacsatada waxaa hortaalla inay adkeysi muujiyaan inta uu socdo wejiga labaad ee dagaalka oo aanay u dabcin cadaadiska argagixisada iyo inay dowladda Soomaaliya garab buuxa siiyaan si loo soo afjaro hanjabaad, baadda iyo dilka joogtada ah ee ku socday 15-ka sano.

Waxa kale oo jira warar sheegaya in argagixisada waayahan raadineyso inay lacago dayn ah ka hesho qaar kamid ah ganacsatada aan weli sida fiican u dabaqin amarka dowladda Somaliya, Waxaana laamaha amniga ee dowladda hortaalla inay arrintaas ku sameeyaan baaritaan deg deg ah, oo haddii ay jirtana tallaabo ka qaadan.

Somaliya waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda oo isku dhinac ah iyo mashruuca ajnabi ee argagixisada oo dhinaca kale taagan.

Waxaa shacabka Soomaalida badi u muuqata in la joogo samankii jiritaanka argagixisada taariikh loo beddeli lahaa.

Post a Comment

0 Comments