Kooxda Al-Shabab oo xayiraad kusoo rogay shirkadda Hormuud Telecom.

Alshabaab, Hormuud Telecom

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xog ogaal ah kooxda Al-Shabaab ayaa xayiraad ku soo rogtay shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom.

Khilaafkaan ayaa ka soo bilowday amar ka fuli waayey dhanka maamulka shirkadda Hormuud oo kooxda Al-Shabaab ay ka soo saartay nidaamka ay mushaarka ku qaataan ciidamada dowladda Somaliya.

Al-Shabaab waxay hindiseen in la joojiyo lacagta mushaarka ah ee taleefanadooda loogu diro ciidamada qaranka Somaliya, balse maamulka shirkadda Hormuud ayaa diiday inay fuliyaan amarkaas.

Intaas kadib Al-Shabaab waxay xayiraad ku soo rogeen ilaa 35 xarumood oo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay qaar kamid ah gobollada dalka.

Sidoo kale xogta aan ka heleyno gobollada qaar waxay sheegeysaa in Al-Shabaab ay ku amreen dadweynaha ku nool deegaanada ay maamulaan ee isticmaala adeega shirkada Hormuud inay u guuraan shirkadaha kale ee isgaarsiinta.

Kooxda Al-Shabaab waxay gebi ahaanba horay u joojisay dhammaan wixii gaadiid shirkadda Hormuud ay laheyd ee ka howlgalayay deegaanada ay joogaan.

Al-Shabaab toos uma shaacin dagaalka ay ku qaaday shirkadda Hormuud , balse waxaan ogaanay inay soo rogeen amar ay ku kala dhantaalayaan macaamiisha shirkadaas.

Gaadiidka Hormuud hadda isagama gudbo goobaha ay kooxdaasi dalka ka joogto, waxaana socda qorshe ay Al-Shabaab dadka ugu weecinayaan isticmaalka shirkadaha kale ee bixiya adeega isgaarsiinta.

Post a Comment

0 Comments