Ciidamada DF oo howlgal ku dilay 10 ka mid ah Shabaab-kii go’doomiyey gobolka Bay

Shabaabkii Go`doomiyay gobolka Bay oo qayb laga laayay

Ciidanka dowladda Somaliya ayaa howlgal qorsheesan oo ay ka fuliyeen deegaanka Ceel-bashiir oo kuyaalla inta u dhaxeysa deegaanka Jameeco iyo degmada Buur-hakaba ku dilay dagaalyahanno katirsan AlShabaab.

War kasoo baxay dowladda Somaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda weerareen goob koontarool u aheyd AlShabaab, waxa ayna dowladda sheegtay in halkaasi lagu dilay toban dagaalyahan oo katirsan AlShabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay goobta ay howlgalka ka fuliyeen ciidanka dowladda in Al Shabaab u aheyd isbaaro, waxa ay sidoo kale sheegeen in bartan u adeegsanayeen go’doominta magaalada Baydhabo.

Al Shabaab ayaa sannado kaddib go’doomisay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, waxa ayna Al Shabaab diideen in magaaladaasi la geeyo raashinka quutul daruuriga , sidaalka iyo waxyaabaha kale ee bulshada muhiimka u ah.

Post a Comment

0 Comments