Ciidanka Gorgor oo howlgal ku laayey 30 Shabaab ah

Ciidamada xooga dalka ee Gorgor

Dowladda Somaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidanka kumaandooska Gorgor ka sameeyeen inta u dhexeyso gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe ee Galmudug iyo HirShabelle.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Ceel-Qurac oo ku yaalla xadka u dhexeeya labadaasi gobol.

Warbaahinta dowladda ayaa qortay in howlgalkan oo bartilmaameed ahaa lagu dilay illaa 30 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in weerarkan ay ciidamada Xoogga dalka kusoo furteen hub iyo sidoo kale agab ciidan oo ay lahaayeen xubnaha la laayay.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in gebi ahaan la burburiyay saldhigii ay ku sugnaayeen xubnaha lagu weeraray deegaanka Ceel-Qurac ee ku yaala xadka Galgaduud iyo Sh/Dhexe.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Galmudug iyo HirShabelle ka socday howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay guullo ka gaareen ciidamada huwanta ah.

Post a Comment

0 Comments