Dowladda Soomaaliya oo wax ka bedeshay wajiga labaad ee Dagaalka ka dhan ah Al Shabaab

Alshabaab, Somalia

Dowladda Somaliya ayaa qorsheeneysa in ay bilowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, wajiga labaad ee dagaalka ayaana waxaa hoggaamin doona ciidanka dowladda Soomaaliya oo helaya taageero caalami ah.

Wajiga labaad ee dagaalka dowladda Soomaaliya qaadeyso ayaa door muhiimn ah la siin doonaa ciidanka milatariga Soomaaliya, halka la yareyn doono doorkii ay dagaalka ku lahaayeen ciidamada macawuusleyda deegaanka.

Sida aan xogta ku helnay wajiga labaad ee duullaanka dowladda ku qaadeyso deegaannada Al Shabaab maamulaan waxaa gacan ka geesanaya oo dowladda taageeraya ciidamo aad u badan oo ka scda dalka Itoobiya.

Dagaalkii horey uga dhacay deegaanno iyo degmooyin katirsan Galmudug iyo Hirshabelle waxaa kaalin weyn ku lahaa dadka deegaanka oo ciidanka dowladda taageero siinayay, lamana oga sababta xilligan dowladda ku kaliftay in ay ka maaranto dadka deegaanka.

Taliyihii hore ee hay’adda NISA Xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa dhaliilay hannaanka xilligan loo wajahayo wajiga labaad ee dagaalka lala galyo kooxda Al Shabaab ee wali maamusha deegaanno iyo degmooyin badan.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in hadda la bedelayo istaraatiijiyadii dagaalkii hore ee looga guuleestay ee ahaa in shacabka laga horgeeyay, waxa uuna hadda quus ka muujiyay in wajiga labaad looga guuleesto dagaalka Al Shabaab haddii ciidanka DF hoggaamiyaan.

Wajiga labaad ee duullaanka ee dowladda qorsheeneyso in ay ku qaado Al Shabaab ayaa la hadal hayaa n ay qeyb ka noqonayaan  ciidamo badan oo Itoobiyaan ah oo dalka usoo galay sidii ay u taageeri lahaayeen ciidanka dowladda.

Post a Comment

0 Comments