Cali Dheere oo ka hadlay qorshe Ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah dalka lagu soo gelinayo

Alshabaab

Afhayeenka guud ee kooxda AlShabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa ka hadlay qorshe cusub oo la doonayo in dalka lagu soo celiyo ciidamo Itoobiyaan ah oo la dagaalama AlShabaab.

Cali Dheere ayaa sheegay in ay heleen xogta qorshe cusub oo dalka lagu keenayo ciidamo Itoobiyaan ah, si ay duullaan culus ugu soo qaadaan deegaannada iyo degmooyinka Al Shabaab gacanta ku hayaan.

Waxa uu sheegay Cali Dheere duullaanka Somaliya lagu soo qaaday in uu yahay mid caalami ah oo Mareykanka ka dambeeyo, waxa uuna xusay in ay fashilmeen duullaano hore oo ciidanka dowladda iyo diyaarado shisheeye kusoo qaadeen Al Shabaab.

Afhayeenka Al Shabaab ayaa ku faanay in ay fashiliyeen duullaankii ay horey ugu soo qaadeen ciidanka Mareykanka iyo Turkiga tababareen sidoo kale gacan ka helayay diyaaradahooda dagaalka.

Cali Dheere ayaa sheegay in duullaanka ay fashiliyeen ku dileen saraakiil iyo askar badan oo soo tababareen dowladdo shisheeye, waxa uu sidoo kale xusay in gaadiidkii ciidamada qaar badan gubeen, kuwa kalana gacanta ku dhigeen.

Hadalkan kasoo yeeray afhayeenka Al Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli la hadal hayo in dowladda Somaliya dalbatay ciidamo badan oo Itoobiyaan ah oo gacan ka siiya howlgalo cusub oo la qorsheenayo in Al Shabaab dalka looga saaro.

Post a Comment

0 Comments