Ciidamada dowlada oo gaaray Ceelbuur iyo Al-Shabaab oo ka baxday

Guul Ciidamada xooga dalka

Sida ay sheegayaan warar goor-dhawayd na soo gaaray ciidamada dowlada iyo kuwa degaanka ayaa xalay gaaray degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Al-shabaabkii mudada dheer ka talinayey degmadaas ayaa la sheegayaa iney isaga baxeen halkaas markii ay ka war heleen duulaanka ku soo wajahan.

Ciidamada dowlada ayaa la sheegay ineysan gelin gudaha degmada ayna ku sugan yihiin hareeraha Ceelbuur sababo la xiriira xiliga oo habeen ah iyo miinooyin Al-shabaab ku aaseen hareeraha degmadaas awgeed.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay iney geli doonaan degmadaas marka miino baar la sameeyo, lana hubiyo amniga gudaha degmadaas.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa shalay galab si buuxda ula wareegay tuulada Dac ee Gobalka Galguduud halkaasoo ka mid ah goobaha ay Al-Shabaab ka difaaceysay degmada Ceelbuur ka dib dagaal kooban oo halkaas ka dhacay.

Post a Comment

0 Comments