Weerar culus oo lagu qaaday xarumo Al Shabaab lahaayeen iyo xubno badan oo la dilay

Ciidanka Xooga dalka

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Mareykanka ayaa weerar dhinaca cirka ah ku qaaday saddex xarumood oo kooxda AlShabaab ku lahaayeen magaalada Buq-aqable ee gobolka Hiiraan.

Weerarkii ugu horeeyay ayaa lala beegsaday goob garaash oo la sheegay in kooxda AlShabaab u yaaleen ilaa 20 Gaari oo ah kuwa dagaalka, waxaana dowladda Somaliya sheegtay in dhammaan baabuurtaasi la bur buriyay.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in weerarka labaad lagu qaaday xarunta maamulka AlShabaab ee magaalada Buq-aqable , waxaana halkaasi la sheegay in lagu dilay sargaal katirsanaa Al Shabaab iyo afar xubnood kale oo kooxdaasi ka tirsaneyd.

Weerarka saddexaad ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ayaa lagu beegsaday koontarool la sheegay in ay ku sugnaayeen dagaalyahanno katirsanaa Al Shabaab, goobtaasi ayaana saraakiisha dowladda sheegeen in lagu dilay xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa baahisay in guud ahaan weerarka ka dhacay magaalada Buq-aqable lagu dilay ilaa 18-xubnood oo katirsanaa kooxda Al Shabaab , sidoo kale laga bur buriyay kooxda 20-gaari ay qoryo waa weyn ay ku xirnaayeen.

Howlgalkan maanta ka dhacay gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya xilli madaxweyne Xasan Sheekh magaalada Dhuusomareeb kawado abaabul dagaal oo la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaannada maamulka Galmudug.

Post a Comment

0 Comments