Dagaal iyo Duqeymo culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan iyo Howlgal wali socda

Macawisleyda

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeyay dadka degaanka oo gacan ka helayay ciidanka xooga dalka iyo kooxda AlShabaab uu ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii ay ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen AlShabaab oo ku aadan agagaarka deegaanka Beerayabaal oo hoostaga degmada Buulo-Burte ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, waxaana mar dambe dagaalka ku biiray ciidamada Xoogga dalka.

Sarkaal u hadlay Macawiisleyda ayaa ka warbixiyay dagaalkan, wuxuuna shaaca ka qaaday inay ku beegsadeen kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay gaarsiiyeen khasaare xoogan.

Ninkan ayaa sidoo kale sheegay inay dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyeen illaa todobo xubnood oo ka tirsanaa xubnaha kooxda Al-Shabaab ee goobta ku sugnaa.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas iyo dagaalka ka horreeyay.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida weyn loogu jabiyay kooxda, waana halka uu ka billowday kacdoonka haatan ka socda inta badan gobollada Soomaaliya.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli muddooyinkii u dambeeyay ay hakad galeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Somaliya.

Post a Comment

0 Comments