Shabaab oo soo bandhigay askari Ugandes ah, dalab culusna u diray Museveni

Alshabaab

Askari ka tirsan howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa markii u horeysay kasoo muuqday muuqaal ay baahisay kooxda Al-Shabaab, kaasi oo kamid askar nool oo kooxda ku qabatay weerarkii Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose.

Askarigan oo kasoo jeeda dalka Uganda, ayaa waxa uu ka codsaday madaxweynaha dalkaasi Uganda Yoweri Museveni in laha wada xaajoodo sii deyntooda, si ay dib ugu helaan xoriyadooda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxda ay gacanta ku hayso askar kale oo uusan kaligiis aheyn, islamarkaan ay rejada keliya leeyihiin tahay hoggaanka Uganda, sida uu sheegay.

“Farriintayda ku socota dowladda Uganda, madaxweynaha iyo baarlamaanka. Waxaan idiin caddeynayaa in aan noolahay,” ayuu yiri askarigan maxbuuska u ah Al-Shabaab ee muuqaalkiisa ay baahisay kooxda.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan idinka codsanaynaa inaad maanka ku haysaan inaan nahay maxaabiis, idinkuna aad tihiin rajada kaliya aan sugayno inay dadaal ku bixiyaan sidii aan xabsiga uga bixi lahayn.”

Sidoo kale waxa uu ku booriyay dowladda Uganda inay raadiso xal kaste oo lagu siin dayn karo isaga iyo askarta kale ee gacanta ugu jira kooxda Al-Shabaab.

Askarigan oo lagu magacaabo Pow Sergeant M. William, oo 48 jir ah, ayaa ciidamada Uganda kusoo biiray sanadkii 1997, wuxuuna bishii April ee sanadkaan ayuu ka howl-galay xerada ciidanka ee ku taapla Buulo-Mareer, taasi oo 26-kii May ay weerar ku qaadeen dagaal-yahaanada kooxda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa askarigan ku qabtay weerarkaasi, oo khasaare ba’an lagu gaarsiiyay ciidanka howl-galka ATMIS ee ku sugnaa xeradaasi, gaar ahaan kuwa Uganda.

Post a Comment

0 Comments