Al-Shabaab oo laga saaray xadka Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe

Al-Shabaab oo laga saaray xadka Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe

Wararka ka imanaya deegaanada xadka Galgaduud iyo Sh/Dhexe.

Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo ay si wadajir ah ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay maanta uga sameeyeen deegaano dhaca xadka gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.

Howlgalladan ayaa waxaa hoggaaminayay Cabdulle Maxamuud Cabdi iyo Khaliif Cumar Macallin Nuur oo kamid ah saraakiisha ku sugan furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga degmada Ruun-nirgood iyo bariga gobolka Galgaduud ee bartamaha Somaliya.

Ciidamada dawlada oo la wareegay deegaano dhawr ah


Ciidamada huwanta oo howlgallo culus qaaday ayaa gudaha u galay dhulka hawdka ah ee u dhexeeya labada gobol, halkaas oo ay muddo ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo ay ka mid yihiin Hilowle Gaab, Dumaaye, Kalabeyr iyo Xaaji Gacal kuwaas oo saddex jiho uga beegan degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Cabdulle Maxamuud Cabdi  oo hoggaamiyaha ciidamada deegaanka ee bariga gobolka Galgaduud oo warbaahinta dowladda ugu warramay aagga deegaanka Dumaaye ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi iyo guulaha ay haatan kasoo hoyeen ciidamada huwanta ah.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay sii baacsan doonaan xubnaha Al-Shabaab ee laga saaray dhulkaasi, ayna soo qab-qaban doonaan, sida uu hadalka u dhigay/

“Gacan bir ayaa lagu qabanayaa meesha galaana waa looga daba tegi doonaa, haddii la qabtana sharciga ayaa la marsiin doonaa” ayuu yiri Cabdulle Maxamuud Cabdi.

Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud


Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud ayaa kamid ah gobollada ay sida weyn uga socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay guulaha ka gaareen ciidamada huwanta ah.

Post a Comment

0 Comments