Shabaab oo la wareegtay deegaan ku yaalla galbeedka Beledweyne

Kooxda khawaarijta ah ee AlShabaab oo la wareegtay deegaan ku yaalla galbeedka Beledweyne

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan


Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay xubnaha Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda uu ka dhacay galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kaas oo khasaare dhaliyay.

Taliye Maxamed Salaad oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ka howlgala gobolka ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, kadin wareysi uu siiyay Radio Kulmiye.

Sarkaalkan ayaa shaaca ka qaaday in xoogaga Al-Shabaab ay soo buux dhaafiyeen deegaano dhaca galbeedka gobolka Hiiraan, ayna wadaan dhaq-dhaqaaqyo xoogan.

“Saaka aroortii ah ayaa waxaa dhaq-dhaqaaq xoogan nimankii cadowga ahaa ay ka bilaabeen dhammaan galbeedka gobolka Hiiraan” ayuu yiri taliyuhu.

Sidoo kale wuxuu xaqiijyay in kooxda la wareegtay deegaanka Ceel Cadde oo dhaca galbeedka Beledwyene, kadib markii ay kasoo baxeen ciidamada huwanta.

Sababta waxa uu ku sheegay xeelad dagaal iyo ciidamadu inay arkeen Al-Shabaab badan oo kusoo socda magaalada.

“Nin yahow deegaanka Ceel Cadde Al-Shabaab ayaa qabsaday ciidankeenana hadda waa ku howlan yihiin in ay dib uga saaraan” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in haatan wadaan abaabul xoogan, isla-markaana ay Al-Shabaab dib uga saari doonaan deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Hiiraan.

“Ciidankeena xeelad dagaal ayay sameeyeen dib u gurasho ayayna uga soo baxeen deegaanka, haddana waxaan rajeyneynaa in laga saaro” ayuu mar kale yiri.

Doorka Hiiraan ee la dagaalnka argagixisada :


Hiiraan ayaa kamid ah meelihii lagu jebiyay Al-Shabaab, inkastoo weli ay gobolkan ku hardamayaan maleeshiyada kooxda iyo ciidamada Soomaaliya

Post a Comment

0 Comments