Ciidanka DF oo howl-gallo ka dhan ah Shabaab ka fuliyay BAKOOL

Ciidanka Dawlada Federaalka oo howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay Gobolka BAKOOL

Wararka ka imanaya gobolka Bakool.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howl-gallo qorsheysan ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Bakool.

Howl-galladan oo ay fuliyeen ciidamada xoogga, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa waxaa laga sameeyay deegaano ay kamid yihiin War-wiin, War-dhato, Ceela-helay iyo Moorigaabey ee gobolka Bakool.

Ciidanka ayaa howl-galladaasi ku baacsaday Shabaab-ka halkaasi ku dhuumaaleysanayay, sida uu sheegay Taliyaha guutada 9-aad Qeybta 60-aad Gaashaanle Yoonis Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Shacabka deegaanadaasi ayaa dhankooda ku bogaadiyey sida ay ciidanka u garab istaagaan iyo u soo gudbinta ciidanka fariimaha ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Deegaannada Koonfur Galbeed iyo wejiga labaad ee dagaalka Alshabaab.

Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhawaan waxaa si rasmi ah uga bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud horay ugu dhawaaqay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan faray masuuliyiinta degmooyinka la haysto ee maamulkaasi in ay u diyaar garooban dagaalka, islamarkaana dowladda ay xooggeeda iskugu keeneyso Koonfur Galbeed oo muhiim u ah gulufka socda.

Wajigii koobaad ee Dagaalka Alshabaab.


Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda.

Sido kale waxaa kooxda looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, ayada oo laga burburiyay xarumo ciidan iyo goobo keyd u ahaa.

Post a Comment

0 Comments