Dagaal beeleed culus oo ka qarxay Galgaduud

Dagaal culus oo ka qarxay Galgaduud iyo Wararkii ugu dambeeyay

Wararka ka imanaya dhuusamareeb, Galmudug


Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha dagaal culus oo shalay ka qarxay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in haatan dagaalka uu ka socdo aagga deegaanka Xananbuure oo ah halka uu xoogiisu ka qarxay dagaalka labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkan la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sababta horseeday dagaal beeleedkan ?


Sida aan ogaanay dagaalkan ayaa ka dhashay muran dhuleed soo kala dhex-galay labada maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Dhuusamareeb iyo Cadaado

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dagaalka uu saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxaa goobta uu ka socda dagaalka kusii qulqulaya ciidamo kale oo gurmad ah oo ay kala helayaan labada dhinac ee ku dagaalamaya halkaasi

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo ku aadan dagaalka maanta ka qarxay waqooyiga gobolkaasi.

Saamaynta uu yeelan karo dagaal beeleedku.


Gobollada dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, kuwaas oo loo arko inay saameyn ku yeelan karaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Dhawaan ayay aheyd markii dagaal kan lamid ah uu ka dhacay aagga magaalada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo xalintiisa ay ku jirto dowlad goboleedka HirShabelle.

Post a Comment

0 Comments