Kooxda Liverpool oo diiday in Maxamed Saalax uu u ciyaaro xulka qarankiisa.

 


A C-WARAR

Xiriirka Kubadda Cagta Masar ayaa sheegay in Liverpool ay diiday inay u oggolaato Maxamed Saalax inuu qarankiisa u ciyaaro isreeb -reebka Koobka Adduunka bisha soo socota

Kooxda Liverpool ayaa arrintan sabab uga dhigay in Salax marka uu UK ku soo laabtay ay qasab ku tahay in uu galo 10 maalmood oo karantiil ah sababa la xiriira feyriska Crona

Warbaahinta Ingiriiska ayaa qoreysa in kooxdu aysan sidoo kale u oggolaan doonin saddex xiddig oo reer Brazil ah (Roberto Firmino, Alisson iyo Fabinho) inay ku biiraan xulkooda.

Kooxaha kale ee reer Yurub ayaa la rumeysan yahay inay ka fikirayaan talaabo taa la mid ah ciyaartoyda u dheela ay uga horistaagayan in ay u saftaan dalalkooda gaar ahaan dalalka uu sida ba’an ugu faafay feyriska Corona


Post a Comment

0 Comments