dad caan ah oo la sheegay geeridooda iyaga oo nool

 

 


A C -WARAR

Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo xalay warbaahinta Universal ay xalay baahisay inuu xanuunsanaya ayaa baraha bulshada maanta lagu baahiyay inuu geeriyooday inkastoo markii damble la xaqiijiyay in geerida Ajakis ay tahay waxba kama jiraa.

TV-ga Universal ayaa xaqiijiyay in warkaasi baraha bulshada la isla dhexmarayay uu yahay been abuur.

"Majaajiliiste Ajakis, waa nool yahay, weeyna soo hagaageysaa xaaladiisa Cafimaad . Waa been abuur wararka sheegaya in uu geeriyooday," ayay booggeeda ku qortay Universal TV.

Xanuunka Ajakis waxaa xalay baahiyay TV-ga Unversal oo uu ka mid yahay howl-wadeenadeeda.

"Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo kamid ah howl-wadeenada TV-ga Unversal ayaa Muqdisho ku xanuunsanaya caawa."

"Ajakis, waxaa ku soo booday xanuun,wuxuuna hadda ku jiraa mid kamid ah isbitaalada Muqdisho, dhaqaatiirta ayaana latacaalaya xaaladdiisa caafimaad."

Baraha ay bulshada ku wada xiriirto ee Soomaalida ayaa waxaa marar badan lagu baahiyaa warar been abuur ah geerida dad caan ah, waxaa horay u dhacday in geerida dad caan ah lagu baahiyo baraha bulshada balse markii been noqotay. Waxaana dadkaasi ma mid ah:

 

Post a Comment

0 Comments