Farmaajo oo u hanjabay Cumar C/rashiid Sharmaake Kulan qarsoodi ah oo xaley Villa Somalia ku dhex maray

hanjabaad noockale


A C-WARAR 

Farmaajo ayaa Villa Somalia kula kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar C/rashiid Sharmaake, si uu u cabsi geliyo, loogana hortago inuu ku biiro Mucaaradka. Sharmaarke shir ka ma uusan sheegin cabsi uu ka qabo farmaajo ayuu u qariyey shirka ayaa xaley dhacay

Kulanka, oo yimid toddobaad kadib markii Cumar Cabdirashiid uu soo gaaray Muqdisho, ayaa ahaa mid horey u qorsheysan oo ay kasoo shaqeeyeen xubno aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa Sharmaake ka codsaday inuu dhinaciisa ku soo biiro, kadib shir ay xaley ku yeesheen VillaSomalia ama uusan gelin arrimaha doorashada ugu yaraan, haddii kale masiirkiisu uu la mid yahay Ikraan Tahliil, taasina ay tahay dil bareer ah.

Farmaajo ayaa Sharmaake u yaboohay lacago aad u badan, waxaana uu u dhiibay xil sare doorashada ka dib hadii uu ku biiro safka taageerayaashiisa.

Farmaajo ayaa dad badan, oo oday dhaqameedyo iyo xitaa qabiilo mucaarad ah ku reebay cago-jugleyn, iyo laaluush, hadda waxa ay sheekadu mareeysaa Sharma’arke oo ah nin aad ay umada soomaaliyeed u aaminsantahay

Farmaajo waxa uu noqday mid aan loo dulqaadan karin Sidaa darteed, waxa uu Rooble iyo komishanka doorashooyinka u adeegsanayaa in uu sida ugu dhakhsaha badan u soo afjaro doorashada ka dib markii ay soo bateen mucaaradka.

Afartii sano ee muddo xileedka maamulkiisa iyo ku dhowaad sanad sharci darrida ah, Farmaajo Dastuurkii dalka ma qabyo tirin, doorasho qof iyo cod ahna ma qaban, 4.5 lagama gudbin, Somaliland lama heshiinin, Al-Shabaab lagama adkaanin, AMISOM lagama maarmin, welina beesha caalamka ayaa biilka bixisa.

 Dhaqan siyaasadeedkii suubbanaa ee sanadahan lagu soo dhaqmayey ee ahaa in afartii sano doorasho si nabad xilka lagula kala wareego, waa diiday oo boob iyo fowdo ayuu u wadaa.

Boobka doorashada waa wado uu Farmaajo jideeyey, qofkii ku raacana isaguu la mid yahay, qofkii maxlal iyo malxiisa ka noqda ka daran, qofkii hor istaagana dulmi iyo burbur ayuu diiday.

Dhinacakale Isku dayga ay guddiga doorashada ku doonayaan in ay ku qasbaan Jubbaland, iyo Puntland iyo Hirshapeel in ay doorashada ku billaabaan 72 saac gudahooda iyadoo aan wax laga qaban cabashooyin hore oo ku saabsan wax isdaba marin iyo in aan la hubin in doorashadu ku sii socoto si hufan oo xalaal ah waa isku day lagu doonayo in lagu soo afjaro doorashada sida ugu dhaqsiyaha badan.

Farmaajo ayaa Soomaaliya u horseedaya dagaal sokeeye oo ka dhashay khiyaanada iyo cadaalad darada joogtada ah ee uu ku hayo shacabka Soomaaliyeed dhamaan dhinacyada kaladuwan ee soomaaliyeed waa in loo midoobaa farmaajo iyo kooxdiisa

 

 

Post a Comment

0 Comments