gudiga doorashada oo Kuraastii Garbahaarey sheegay in loo wareejiyey Ceelwaaq

 

gudiga doorashada oo wadada ka jarey damaca farmaajo iyo fahad yasiin

Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa goordhow go’aan ka soo saaray halka lagu qabanayo doorashada 16-ka kursi ee taala magaalada Garbahaareey oo eheyd deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

Qoraal goordhow ka soo baxay guddiga oo loo diray SEIT Jubaland ayaa lagu sheegay in doorashada kuraastaasi lagu qabanayo degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaasoo ah deegaanka kaliya ee Jubaland ka maamusho gobolka Gedo.

“Markuu guddiga garwaaqsaday inaysan suuragalahayn inay doorasho ka dhacdo magaalada Garbahaareey waxaa lagama maarmaan u noqotay in meel kale oo dadka u dhaxeyso amnigeeduna sugan yahay la helo. Guddigu waxaa uu go’aamiyey in doorashada garbahaareey laga bedelo laguna bedelo in doorashada lagu qabto Magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraalka

Maamulka Jubaland ayaa hore u sheegay inaan wax doorasha ah lagu qaban karin magaalada Garbahaareey, iyagoo sabab uga dhigay in halkaasi uu ka jiro maamul aan hoos tagin Jubaland oo ka amar qaata Nabad Sugida Soomaaliya.

Dhinaca kale  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaadhsiinta Maxamed Xuseen Rooble wuxuu  sheegay in isagoo  tixgalinaya xaqa matalaadda dadka Gobolka Gedo iyo ahmiyadda dhammaystirka doorashada wuxuu bogaadinayaa soona dhaweynayaa go’aanka Guddiga Doorashooyinka FEIT ee ku aaddan deegaan doorashada lahaad ee Jubaland.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku boorrinayaa Guddiga Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland in ay si dhaqso ah u soo dhammaystiraan kuraasta dhiman.

Hadaba Go’aanka wax ka bedelka goobta doorashada hadda ee loo wareejiyey Ceelwaaq ayaa noqon doona tartanka kuraasta, tartan xor iyo xalaal ah, ka dib markii wadadii laga jarey kaligii taliye Farmagoo iyo saaxiibkii fahad yaasiin ay rabeen in ay ku shubtaan doorashada halkaas

Post a Comment

0 Comments