Rafinha oo jooga albaabka Barcelona

 

 
Barcelona oo ku dhaw in ay soo iibsato Rafinha


Barcelona ayaa qarka u saaran inay la soo wareegto xiddiga reer Brazil Rafinha, garabka Leeds United, inta lagu guda jiro xagaagan Mercato.

Barcelona waxa ay soo bandhigtay dalabka rasmiga ah ee ay ku doonayso saxiixa Rafinha, Leeds ayaana la filayaa in ay aqbasho” ayuu soo qoray Fabrizio Romano oo ah khabiir ku takhasusay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo macalimiinta Yurub.


"Yabooha waxaa ku jira lacag go'an (58 milyan oo Yuuro), waxayna ku kordhisaa doorsoomayaasha 68 milyan. Heshiisku wuxuu marayaa heer gabo-gabo ah," ayuu raaciyay, isaga oo adeegsanaya akoonkiisa Twitter-ka.

“Dhammaan dhinacyadu waxay sugayaan in Barcelona ay awood u yeelato oo ay diyaar u tahay inay Rafinha ku darto liiskeeda, qandaraasyadana waa la saxeexi doonaa,” Romano ayaa hadalkiisa kusoo xidhay.

Leeds United ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Rafinha uusan ku jirin kooxdii u bixi lahayd Australia inta lagu jiro xilliga isku diyaarinta, iyadoo la filayo inuu koox kale u baxo.

Waxaa xusid mudan in Chelsea ay ahayd kooxda ugu cad cad ee Barcelona kula tartamaysay heshiiska, laakiin ciyaaryahanka reer Brazil ayaa doorbiday inuu u dhaqaaqo kooxda Catalan.

 

Post a Comment

0 Comments