Ciyaartoyga taariikhda ka dhigay Soomaaliya ee soo gaaray ciyaartii Pele

Nuur Maxamed Amiin

Tababaraha Xulka Qaranka Somaliya ee ay da'doodu ka hooseyso 17-ka sano Nuur Maxamed Amiin oo ka mid ahaa dhalinyaradii cayaaraha ku kacaantay waayadii Pele ciyaari jiray ayaa BBC-da uga waramay sidii xiddigaasi waayadaa saamaynta ugu yeeshay.

"Aniga Bele waa iga da'weyn yahay laakin waan ku soo gaaray isagoo ciyaaraya, waxa uu ahaa ciyaaryahan aad loo xiiseeyo xirfaddiisa, xawaarihiisa hoggaamintiisa yacni meel kasta wuu ka dhisnaa." ayuu yiri Nuur.

"Waxaa kale oo lagu xusuustaa in marka uu naadiga u ciyaarayo iyo marka qaranka labaduba si isku mid ah ayuu u ciyaarayay. midda kale ma ahayn ciyaartooyda istuurta marka la taabto, isagoo lugu dhagan yahay ayuu xooggiisa isticmaali jiray sidaas ayuuna kubadda ku sii wadan jiray."

Nuur ayaa nin horay Soomaaliya u soo gaarsiiyay guulo waaweyn markii uu ciyaarhanka ahaa, Nuur ayaa bishii Ocoobar ee sannadkan ku guuleystay tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ciyaartoyda ay da'doodu ka yar tahay 17-ka sano.

Nuur Amiin ayaa BBC-da u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay horumarka ay sameynayaan dhallinyarada ciyaartoyda ah ee uu tababaray.

"Alle ayaan uga mahad celineynaa in uu noo hirgalay qorshaheenna, oo aan gaarnay guul," ayuu ku yiri BBC-da, markii ay dhacday ciyaartii hore ee ay la yeesheen Itoobiya.

In muddo ah ayuu dadaal ugu jiray barbaarinta ciyaartoyda da;da yar ee xulka qaranka, si ay heer fiican u gaaraan.

Dhammaan ciyaartoyda kooxda hadda wacdaraha ka muujisay tartanka socda waa dhallinyaro uu Macallin Nuur Amiin si iskiis ah uga soo xushay iskuullada, sida uu BBC-da u sheegay dhawaan.

"Waxaan kusoo barbaarinnay wixii ay berri qaban lahaayeen. Ujeedkeennu waa inaan mar walba guuleysanno, haddana qaddarta Alle waa halkeeda," ayuu yiri.

Ciyaartoyda uu macallinkan wato ayaa ammaan badan ka helay buslahada kaddib markii ay lasoo shir tageen qaab ciyaareed cajiib ah, shakhsiyaadka laga tilmaamona waxaa ka mid ah gool hayahooda koowaad iyo weeraryahanka labada jeer goolka u dhaliyay, Cabdixaafid Maxamed.

Mar uu Nuur Amiin ahaa ciyaartoy guulo usoo hoyiyay qaranka: Marka laga soo tago macallinnimadiisa, isaga qudhiisa ayaa horay xirfaddiisa ciyaaryannimo kaalin weyn uga soo qaatay guulo usoo hoyday xulka qaranka Soomaaliya.

"Muddo 14 sano ah oo aan u ciyaarayay qaranka hal habeen oo keliya ayaan galay kursiga keydka, habeenkaasna kuma aanan dhammeysanin oo waan soo galay qeybtii dambe ee ciyaarta," ayuu ku yiri wareysiga uu siiyay BBC-da.

Isla habeenkaas, oo uu ciyaarta soo galay 15-kii daqiiqo ee ugu horreysay ayuu Nuur Amiin sameeyay ficil taariikhda galay, ilaa haddana dadka qaar ay xasuustaan.

Waxaa lasoo geliyay ciyaar qeyb ka ahayd tartanka dalalka Carabta (All Arab Games) oo ay Soomaaliya martigelisay 1979-kii.

Goolka guusha : Nuur Amiin qudhiisa oo ka sheekeynaya marxaladdaas ayaa yiri: "Rubi saacii ugu dambeeyay ee aan soo galay, Alle wuxuu qaddaray inaan goolkii ugu horreeyay ee taariikhda ay Soomaaliya ugu gudubtay ciyaar kama dambeys ah ama fiinaalka, kaasoo ahaa goolka guusha.”

Ciyaarta oo 1-1 mareysa ayuu Nuur Amiin dhaliyay goolka labaad ee guusha xaqiijiyay, waxa uuna ku tuuray madaxa, "Waxay ahayd markii ugu horreysay ee xulka qaranka Soomaaliya uu gaaro ciyaar fiinaal ah," ayuu yiri.

Kooxda uu ka mid ahaa Nuur Amiin ee da'doodu ka yareyd 20-ka sano ayaa 1981-dii ku guuleysatay koobka tartankii Bariga iyo Bartamaha.

Post a Comment

0 Comments