Sacuudiga oo tallaabo layaab leh u qaaday dhinaca Lionel Messi

Lionel Messi

Horyaalka dalka Spain ee Laliga oo keliya ayey u suurtagashay in ay hal mar ka wada ciyaaraan labada ciyaaryahan ee loogu jecel yahay caalamka, Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi balse waxay u muuqataa in horyaal kale uu si lama filaan ah ku heli karo fursaddaas.

Isbuucyadii lasoo dhaafay waxay indhaha dadka taageera Kubbadda Cagta ku sii jeedeen dhinaca dalka Sacuudiga ka dib markii uu horyaalka waddankaas ku biiray Cristiano Ronaldo oo lagu tilmaamo mid ka tirsan shakhsiyaadka faro ku tiriska ah ee ugu wanaagsan ee soo mara ciyaaraha Kubbadda Cagta caalamka.

Ronaldo oo u dhashay waddanka Boortaqiiska ayaa u wareegay kooxda Al. Nassr, isagoo qaadan doona lacagtii ugu badneyd ee sanadkii mushaar ahaan loogu helo ciyaarta Kubbadda.

Tallaabadaas waxay dad badan ku ahayd mid lama filaan ah, hase yeeshee lama filaanku halkaas kuma eka sida ay sheegayaan warar soo baxaya oo uu shaaciyay wargeyska Mundo Deportivo ee fadhigiisu yahay dalka Spain.

Sacuudiga ayaa hadda ku dadaalaya in ay dalkooda keenaan Lionel Messi oo dunida Kubbadda Cagta saameyn aad u weyn ku leh, dadka taageerana ay ku qeexaan inuu yahay qofkii ugu fiicnaa ee abid ciyaara Kubbadda.  

Ujeeddada Sacuudiga waa in ay soo jiitaan dunida si ay sare ugu qaadaan dhaqdhaqaaqyada dalxiiska. Sidoo kale waxa uu waddankan carbeed u xusul duubayaa in uu martigeliyo tartanka ciyaaraha Koobka Adduunka ee 2030-ka.

Kooxda Al-Hilal oo si weyn ula xifaaltanka Al Nassr ayaa dooneysa in ay soo iibsato Messi oo ka tirsan kooxda Paris Saint-germain FC (PSG) ee dalka France.

Waxay u muuqataa in Al-Hilal ay ka jawaabeyso tallaabadii ay kooxda kasoo horjeedda ku keensatay Cristiano Ronaldo oo loo qoray mushaar dhan 200 milyan oo dolar sanadkiiba.

Messi ayaa loo ballan qaaday mushaar kasii badan kan uu ku qancay Ronaldo oo ah lacag dhan $300 milyan oo dolar. Bishii Laoo dhaafay waxa uu laacibkan u dhashay dalka Argentina ku guuleystay tartankii Koobka Adduunka ee lagu qabtay waddanka Qadar.

Haddii arrintani ay hirgasho Messi ayaa sida ugu dhaqsiyaha badan ku burburin doona taariikhda dhinaca mushaarka ee uu dhawaan sameeyay Ronaldo. Waxaa kale oo horyaalka Sacuudiga uu noqon doonaa kii labaad ee ku guuleystay in ay hal mar ka wada ciyaaraan labada ciyaartoy ee ugu wanaagsan adduunka.

Wararka ugu waaweyn suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, Arsenal ayaa dib ugu soo laabatay saxiixa weeraryahanka Juventus iyo Serbia Dusan Vlahovic, oo 22 jir ah, kaasoo lagu qiimeeyo 110 milyan euros (£97.7m).

Gunners ayaa dalab cusub u dirtay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Shakhtar Donetsk ee reer Ukraine Mykhaylo Mudryk, oo 22 jir ah, waxayna hadda u dhow dahay in ay heshiis la gaarto.

Chelsea ayaa ka fiirsaneysa inay dalab ka gudbiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brighton iyo Ecuador Moises Caicedo, oo 21 jir ah, ka dib markii ay isku dayeen inay la soo wareegaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Argentina Enzo Fernandez, 21, oo ka tirsan Benfica.

Tottenham ayaa xiiseyneysa saxiixa ciyaaryahanka garabka u ah xulka qaranka Belgium iyo kooxda Brighton Leandro Trossard, oo 28 jir ah.

Kooxaha Spain, France, Germany iyo Italy ayaa isha ku haya xaalada daafaca dambeedka midig ee Portugal Joao Cancelo, oo 28 jir ah, ka dib markii uu boos joogto ah ka waayay kooxda Manchester City.

Garabka Manchester United iyo Sweden Anthony Elanga ayaa ka mid ah ciyaartoyda ay Everton bartilmaameedsanayso waxayna 20 jirkan ku doonaysaa heshiis amaah ah oo bilaw ah. (Boostada)

Kooxda Besiktas ayaa xiisaynaysa weeraryahanka Wolves iyo Mexico Raul Jimenez, oo 31 jir ah, si ay ugu buuxiso booska Wout Weghorst, oo 30 jir ah, kaasoo qarka u saaran inuu ku biiro Manchester United . (Fotospor, iyada oo loo marayo Metro)

Post a Comment

0 Comments