Damaca iyo hogaan xumada Muuse biixi oo Somaliland gaadhsiiyay heer laga Dayriyo

Hogaan xumada muuse biixi

Xaalka maanta Somaliland ayaa ah mid laga dayrinayo waxaana ka masuula sida ay wada ogsoonyihiin umada reer Somaliland damaca muuse biixi iyo caqliyada fashilka ah ee uu kula dhaqmay reer somaliland.

Maaha markii u horaysay oo muuse waxa uu ku suntanaa  xasuuqa maatida, cabudhinta shacabka diidan hogaankiisa qalafsan, iyo go`aan kali talisnimo ku salaysan oo aan marnaba lagu arag madaxdii ka horaysay ee dalka soo martay.

Muuse biixi wuxuu fidno iyo qalalaase aan mug yarayn ka dhex abuuray qabiiladii nabada iyo barwaaqada ku wada caano maalayay mudada dheer ee hadafkoodu ku midaysnaa sidii dalkoodu ictiraaf u heli lahaa.

Waxa hubaala in maanta ruux kasta oo reer Somaliland ah maankiisa ka guuxayso weedha ah, "Muusaw waad ku fashilantay oo nama hogaamin kartide dalka faraha nooga qaad"

Xalka kaliya ee maanta Somaliland lagu badbaadin karaana waa muuse biixi iyo kooxdiisa maanlawayaasha ah oo umada reer Somaliland u tudha xilkana iska casila.

Waxaan ugu baaqaya reer Somaliland inay si wada jira uga soo horjeedsadaan kooxdan budhcadda ah ee dalkoodi burburinaysa oo ay umidoobaan siyaasi kasta oo qarankooda la damacsan burbur iyo inuu dib udhigo. 

Post a Comment

0 Comments