Howl-gallo culus oo ay qeyb ka tahay NISA oo maalintii lixaad ka socda magaalada Galkacayo.

Howl-gallo culus oo ay qeyb ka tahay NISA oo maalintii lixaad ka socda magaalada Galkacayo.

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan qaybta koonfureed ee Galmudug waxaa habeenkii lixaad ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidan ka kooban saddex qayb, laguna sugayo ammaanka guud ee magaaladaas oo xarun u ah gobolka Mudug.

Howlgalladan ayaa waxaa si wadajir u sameynaya ciidanka booliska, nabad-sugidda, asluubta iyo kuwa xasilinta ee ka howlgalka gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Taliyaha booliska degmada Gaalkacyo Dhamme Cali Xirsi Sahal

Ujeedka howlgallasa ayaa waxa uu yahay sidii ay nabad ugu afuri lahaayeen shacabka, sida uu sheegay taliyaha booliska degmada Gaalkacyo ee Galmudug Dhamme Cali Xirsi Sahal.

“Caawa waxaan ka warbixineynaa dhammaan howlgalladii soo billowday bisha Ramadaan ee aan sida gaarka ah u wadnay, runtii Ummadda Soomaaliyeed ee deggan Gaalkacyo, si wanaagsan ayay ugu afurayaan nabadda,”

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in guushaas ay ku timid wada shaqeynta ka dhexeysa shacabka iyo ciidanka ammaanka.

“Dadaalkaas wuxuu ku yimid wada shaqeynta ciidamada iyo shacabka, waxaan leeyahay halkaas halaga sii wado” ayuu mar kale yiri.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay dhibaatada ay kooxaha ciyaal weerarada ku hayaan magaalada, isaga oo farriin u diray waalidiintooda.

“Waalidiinta ciyaalka tuuryada ka wada magaalada waxaan ka codsaneynaa inay ilmahooda ku ceshadaan guriga, ayna ka waaniyaan dhibaatada ay ku hayaan bulshada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay taliyuhu.

Ujeedada hawlgalkan iyo aragtida shacabka reer Gaalkacayo

Howlgalladan oo sidoo kale lagu beegsanayo cabtoyda iyo ma soomayaasha ayaa waxaa aad usoo dhaweeyay bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Post a Comment

0 Comments