Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka waa in la dhameystiraa ka hor Ciidul Fidriga

 

baaq ay direen dhamaan shacnka soomaaliyeed si loo dhameystiro doorashooyinka

Guddiga Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee BFS wuxuu maanta shaaciyay Jadwalka Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo noqon doona sida hoos ku xusan waxaan rajeeyneenaa in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo dhameeyo doorashooyinka si dalka loo samata bixiyo iyo umada

Haddaan nahay shacabka Soomaaliyeed waxaan rabnaa xasillooni, sidaas darteed waxaan ka codsaneynaa in doorashada la soo gebagebeeyo ka hor inta aan ciidda la gaarin, taasina ay dalka ka dejiso si uu dalka uga boxo jahwareerka uu sababay farmaajo

Shacabka Soomaaliyeed ayaa u kacaya kuna adkeysanaya in la soo gaba gabeeyo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ka hor inta aan la gaarin Ciida, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in maanta la qabto kulanka ugu horreeya ee wadajirka ah ee labada gole ee Baarlamaanka.

Si looga hortago isku day kasta oo uu Farmaajo ku doonayo inuu ku sii haayo talada dalka, waa in la dhameystiraa doorashada guddoonka baarlamaanka ka hor Ciidul Fitriga.

Dhanka kale waxaa magaalada Muqdisho ka furmaya kalfadhiga 11-aad ee baarlamaanka Soomaaliya. Ajandaha ayaa diiradda saari doona isla arrinta.

Haddii Farmaajo uu weli wax u dhimi karo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, la yaab ma ahan in marqaati loo noqdo in loo doorto markiisa labaad

 

Post a Comment

0 Comments