James swan oo bilaabey la shaqeenta Farmaajo iyo fahad yasiin

 

ergada Qaramada Midoobay oo shaqadiisi gabey


Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa wax ka beddelay aragtidii Soomaaliya ee dhex dhexaadnimada ee wefdiga caalamiga ah guud ahaan.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa la sheegay inuu ku biiray Farmaajo iyo kooxdiisa taageerada ay ku joogaan Villa Somalia.

James Swan, inkastoo uu faragelin ku hayo arrimaha Soomaaliya, haddana si ka duwan awoodaha xilka uu hayo, iskuma dayin inuu dhex dhexaadiyo mushkiladaha doorashada, sida qalalaasaha kuraasta Gerbhari, oo ah hawl asaasi u ah jiritaankiisa se waxaa muuqatah in uu gabey shaqadiisa

Ergayga Qaramada Midoobay, James Swan, ma uusan qaadan go'aan wanaagsan oo uu ku xallinayo xasaradaha Soomaaliya ee uu u yimid, balse wuxuu la shaqeeyaa Farmaajo oo uu ugu baaqay inuu sii joogo.

Ergeyga Qaramada Midoobay James Swan ayaa gacan saar la lahaa, waxayna tani ka dhigtay qalalaase weyn oo ka dhashay doorashadii Soomaaliya, taas oo James Swan uu dayacay.

Dhammaan go’aanada uu qaatay James Swan waxa ay cadeynayaan in uu taageersan yahay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, waxa ayna tani halis ku tahay hanaanka doorasho ee Soomaaliya, doorka Qaramada Midoobay ayaa ah mid khariban arrimaha Soomaaliya, waxaana codsaneynaa in xilka laga qaado mas’uulka Qaramada Midoobay ka tirsan.

Post a Comment

0 Comments