Khudbadii Farmaajo ee maantey oo ku koobneed is amaan u mooqatey ololo doorasho

 

Khudbadii maanta waxa ay cadeeyse in uusan la sococon dhibaatooyinka haysta shacabka

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaadey  kaligii taliye Farmaajo oo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qayb galay Munaasabadda Xuska Sannad Guurada 62-Aad ee Aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray dhamman Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Khudbadiisa oo qaadatay ku dhawaad ​​40-daqiiqo ayuu Farmaajo kusoo hadal qaadin xaaladda Soomaaliya ka taagan, sida abaaraha iyo dhaqaale xumada dalka ka jirta.

Farmaajo waa ka go'doonsan yahay xaqiiqada Soomaaliya, mana dareemo dhibaatada shacabka.

Khudbadii Farmaajo ee maanta ma aysan xanbaarin wax cusub, dhammaan ereyada iyo weedhaha waxay ahaayeen kuwo la xiriira waswaaskiisa gaarka ah.

Waxa uu ka hadlay oo kaliya in uu xilka hayo, isaga oo ku sifeeyay in uu yahay wadaniyad, waxa uuna Soomaalida ugu baaqay in ay ka fogaadaan qabiilka oo ay ku dhaqmaan mabaadi’da waddaniyadda.

Farmaajo ma uusan soo hadal qaadin dhibaatooyinka haysta shacabka Soomaaliyeed, sida abaaraha iyo dhaqaale xumada dalka ka jirta waxa uu kaliye ku nuuxnuusadey in uu dhisey ciidan se ciidanka hortiisa ayaa la dhisey bal waxa uu ka dhigey ciidan beeleed oo uu xukumo isaga

Ciidanka uu Farmaajo maantey ka hadlay ayaa ah ciidan beeleed ka amar qaata Farmaajo kadib markii uu dalacsiiyay madaxda isaga daacada u ah, lagana eryay kuwa ka soo horjeeda.

Kalikii taliye farmaajo waa Qabyaladiiste qalbiga qabyaalada ugu buuxda baatahay oo wadaniyad been ah ku qaraabto.waxaa tahay daba dhilif gumeysiga ethopia u shaqeeyo oo dekadahii dalka ka iibshay Ciidanka aad sheegayso waxa uu noqday ciidan beeleed oo aad xukunto

Farmaajo waxa uu ka shaqeeyay dib u soo nooleynta in uu ku dhax abuuro qabyaaladda ciidanka, inkastoo uu khudbadiisa ku dhaliilay qabyaalad talada dalka inta uu qabtey farmaajo waxaa dib u soo noolaadey qabyaaladda

Kani wuxuu u ahaa olole madaxweyne ee wax kale maaha. Ciidan qaran ma daneeyo. Waxaas oo dhan waa dano gaar ah! Farmaajo waa inuu tago!

 

 

Post a Comment

0 Comments