Rw Rooble guul Qaranka dhameestirka dooradhooyinka kadib dhaarinta shale

dhaarinta Xildhibaanada labada aqal oo soo dhamaatey

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu bogaadinayaa dadaalka Guddiga FEIT iyo guddoonkooda iyo xoghayeyaasha Guud ee Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ee ku aaddan dhameestirka Jadwalka dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka, waxa uuna sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu u hambalyaynayaa Xubnaha Baarlamaanka ee ilaa hadda loo dhaariyey xildhibannimo

Ku guuleysiga dhaarinta xilibaanada maanta waa guul u soo hoyatay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo uu ka adkaaday kalitaliskii Farmaajo

Pm Roble wax latuhmo,lacayo,ladhalilo qofba si' u arko waxa uu gedigii kenay mel inta badan ay kuwada qanci karan dalka waxa uu kabadbadiyey fashil siyasaded iyo in markale lakala tago sharfane

PM Roble abal weyn aya ku heyna waxadna xusus weyn ku yelan donta qalbiyada muwadininta iyo kuwa rajada weyn kaleh badqabka dhuled iyo midka daded dalkan qaniga ku ah kheyradka faraha bdn wana kurajeynaya inad fursad uhesho inad markale u adegto ado talada ugu sareysa leh

Waa guul taariikhi ah April 14,2022,waa maalin ummadda Soomaaliyeed ka baxdey hubanti la'aantii dowladnimo ,amni darradii jirtey ,dhaqaala burburkii jirey, iyo siyaasad xumidii jirtey. Allaah ayaa mahad iska leh.

Sidhookale Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka heer federaal ee (FIET) ayaa fasaxay Kuraasta kala ah Hop-103 iyo HOP-204 ee degaan doorashadooda tahay Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale guddiga sheegeen in lagu celinayo doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP154.

Arrintan ayaa timid ka dib markii gudoonka guddiga FEIT iyo xubno kale oo maanta booqday magaalada Baydhabo ay kulamo la qaateen madaxda Maamulka K/galbeed si xal looga gaaro khilaafkii ka dhashay saddex ka mid ah afar Xildhibaan oo guddigu dib u celiyey.

Shan sano iyo dheeraad ka dib, maanta waxaan gadaal marinay damac kali talisnimo oo dalka geliyey hubanti la’aan siyaasadeed, oo galaafan gaartay geeddi-socodkii dhismaha dalwadnimada Soomaaliya.

Dalku wuxuu maanta ka baxay firaaq dastuuriga ah, xasillooni daro iyo jahawareer siyaasadeed. Dalka iyo dadku ma awoodaan in fursado kale oo muhiim ah mar kale laga lumiyo. Waxaan u rajaynayaa Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS ee maanta dhaarta maray, in ay dhaarta ka dhabeeyaan oo uu damiirku hago, xilkana gutaan si danta dadka, diinta iyo dalka waafaqsan.


Soomaaliyeey Farmaajo waa ogtihiin in amaano , run iyo balan shaqo uusan ku leheen , waxa uu rabo waa kali talinimo iyo caburin iyo kale fiiji ee maantay ayow qabasho leeyahay ee hala qabto . Hadii kale meel fog baad ka raadin doontaan .

 



 

Post a Comment

0 Comments