guulaha waaween eeisdabajooga ah ee mucaaradka Soomaaliya ka gaareen doorashada guddoonka
baarlamaanka ee labadiisa aqal waa tallaabo argagax gelisay xukuumadda Farmaajo
sababtoo ah waxay muujineysaa in mar kale looga adkaan doono doorashada
madaxweynaha ee soo socota Hadaba waa wax iska caadi ah in kooxda Farmajo ay ku
dadaalaan dib u dhigista doorashada madaxweynaha si ay u helaan waqti badan oo
ay dib u habeyn ku sameeyaan isla markaana ay u qiimeeyaan istiraatijiyaddooda
si dhab ahna uga fikiraan sidii ay ku beddeli lahaayeen
Musharax xasan cali kheyre ayaa xulufo la ah dowlada yar ee taageerta
argagaxisada qatar oo aan ka dheregsanahay in dalkaan ay burbur badan u
geysteen iyadoo u soo mareysay wakiilkeeda fahad yaasiin oo waxwalba ay dalka
ka raban u fududeenayay
Waxan joognaa xiligii ku haboonaa in la qabto doorashada madaxweynaha
sababtoo ah Qatar ma haysato waqti ay ku taageerto Xasan Khayre iyo farmajo si
ay u xakameeyaan ayna dalka u soo geliyaan malayiin dollar si doorashada loogu
boobo Somaliya waxay u baahan tahay badbaadin
xasan cali kheyre ayaa marar badan booqday qatar oo la soo qaatay shir
qarsoodi ah iyadoo ugu dambeeyay toddobaadkan waxaana qatar ay dhaqaale ku
bixineysaa ololihiisa doorashada waa in dhamaanteen u istaagnaa sidii aan ku
fulin lahayn laba toddobaad gudahood ugu badnaan si aan uga hortagno Farmajo
iyo xulafadiisa inay weeraraa, iyagoo dib u habeyn ku sameynaya safkooda
waxa nasiib darro ah Xasan Khayre ayaa farmaajo laftiisa ka sii liita
Doorashada madaxweynaha oo degdeg ah waxay meesha ka saaraysaa saamaynta
qatar ee soomaaliya waa inaan kooxda farmaajo u ogolaan inay neefta qabato
xasan khayre ayaa leh awoodo wax dumin kara shaqadiisa kuma eka qatar oo kaliya
balse sidoo kale wuxuu xiriir la leeyahay maafiyada caalamiga ah iyo kuwa
argigixisada alshabaab
Xasan Cali Khayre: “Runtii, waa masuulkii dawladda ugu xushmad-daran, ugu
kibirsan, ugu qabyaaladda iyo musuq-maasuqa badnaa ee khiyaanada iyo gardarada
u janjeerta” – Waxaan si buuxda ugu taaganahay diidmadeena eheed no kalitalis
no N&N
0 Comments