Farmaajo ayaa isku dayaya in uu ka aargoosto Xildhibaanada aan codka siinin

 

farmaajo



wararka soo baxaayo ayaa sheegaayo in Xiligi ay soo dhawaatay doorashada madaxweynaha in Farmaajouu lacago badan oo laaluush ah siiyay xildhibaano badan si ay ugu codeeyaan maalin ka hor doorashada. xildhibaanada qaar ayaa u codeenin ka dib markii ay arkeen in shacabka ay naceen kaligii taliyaha sidaasna ay dalka ugu dooreen madaxweyne daacad ah

oo ay shacabku jecel yihiin laakiin farmajo ayaa bilaabay inuu isku dayo inuu xabsiga dhigo xildhibaanadii ka codeeyey inta uusan xilka wareejin kadib markii uu guuldareystay Farmaajo doorashadii dalka ka dhacday waxaa uu bilaabay sidii uu ugu aargudan lahaa xildhibaanada qiyaamay asigoo u adeegsano alshabab oo uu weli xiriir qarsoodi ah la leeyahay

Farmaajo waxa uu lumiyay awooda balse waxaa jira maleeshiyaad uu wali gacanta ku hayo oo uu u adeegsado in uu ku cabsi geliyo xildhibaanada laaluushka ka qaatay si ay ugu codeeyaan isaga

Farmaajo ayaa la yaabay in xildhibaanada baarlamaanka aysan u codeyn, waxaana Farmaajo uu helay kaliya 35% codadka guud ee xildhibaanada wareegii ugu dambeeyay ee codeynta.

Kaligii taliye farmaajo oo Markii looga adkaaday doorashada ayaa ku haray magaalada Muqdisho si uu uga aargoosto xildhibaanada oo uu ugu adeegsado Al Shabaab.

Isagoo Sidoo kale bilaabay inuu adeegsado taageerayaashiisa baraha bulshada ee CBB si ay u aflagaadeeyaan xildhibaanada si sharaftooda meel loogu dhaco ama loo adeegsado maleeshiyaad ka amar qaata weli kelitaliskii xukunka lagala wareegay ee farmajo si naftooda loo dhaafiyo ama ay lacagta ugu soo celiyaan waayo waxay noqdeen bartilmaameyd  haddii ay soo celin waayaan 

 

 

Post a Comment

0 Comments