Xasan cali Khayre oo danbiyo waaween hureay uga galey dalka oo isku soo sharaxay madaxtinimada dalka

 

Khayre  uma qalmo dalka in uu ka taliyo

Ra’iisul wasaarihii horey  Khayre ayaa lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay kooxaha argagixisada ah, waxaana si toos ah Qaramada Midoobay u dacweysay intii uu ahaa Agaasimaha Fulinta ee Afrika ee shirkadda Soma Oil and Gas, oo ay ku eedeysay inuu xiriir la leeyahay kooxaha xagjirka ah ee Bariga Afrika oo ay ka mid tahay Soomaalida Al-Shabaab. dhaqdhaqaaqa Shabaab.

guddiga baarlamaanka ee loo xil saaray doorashada madaxweynaha ay ku dhawaaqeen shuruudaha laga rabo musharixiinta u tartameysa xilka ugu sarreeya ee dalka, waxaa ka mid ah in musharraxa aan horay loogu xukumin dambiyo.

Lakin Xasan Khayre ayaan buuxin shuruudihii looga baahnaa, waxaana loo arkaa inuu ka qeyb galayo doorashada inuu baal marsan yahay shuruucda iyo shuruucda dalka, maadaama lagu eedeeyay dambiyo badan iyo kuwo heer caalami ah.

Dad badan ayaa marwalba waxay ku khatalmaan farmajo iyo xasan cali kheyre in ay isku dhaceen oo ay iskaga horyimaadeen arrimaha dalka laakiin waxaas oo dhan waa been abuur shacabka lagu marin habaabinayo waayo farmajo iyo kheyre waxay leeyihiin hal milkiile mana awoodaan in ay wanaaga ku murmaan waxay qaataan wixii loo yeeriyo mana jiraan wax u haray oo ay sameen karaan

waayo waxay marwalba amar ka sugaan fahad yaasiin oo wixii loo qatar u soo dhiibto uu dalka ku maamuli jireen musharax xasan cali kheyre ayaa hada raadinaya xilka madaxweynenimo si uu dalka foodo kale u geliyo waa in ay xildhibaanada ay iska jiraan dhibaatada ay la damacsan yihiin farmajo iyo saaxiibkiisa xasan cali kheyre

Waxaa ceeb ah in musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha uu jiro qof aan buuxin shuruudaha laga rabo musharaxa. Nasiib darro, Xasan Khayre waa kaas.

 

Post a Comment

0 Comments