Mahad Salaad oo qaadaya tallaabo dhab ah oo uu ku nadiifinayo sirdoonka dalka ee NISA

 

NISA

Mohad Salaad ayaa dadaal ugu jira sidii uu NISA uga sifeyn lahaa musuqmaasuqa iyo dhaqamada sharci darrada ah ee ay ku kacayaan taageerayaasha Farmaajo ee 5 sano la soo dhaafey magaca nabad sugida wasaqeeyey

Mahad ayaa shalay ku amray ilaaladii Fahad ee ku sugnaa hoyga uu ka degan yahay madaxtooyada in ay iska xaadiriyaan xarunta Habar Khadiijo oo ah taliska ugu weyn ee Hay’adda, taasi oo muujineysa sida uu yahay qorshaha Mahad.

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Hay’adda oo uu ka mid yahay Taliyaha Dabagalka NISA C/llaahi Daahir (Dheere) ayaa horay uga dalbaday inay xilka iska casilaan, balse ma cadda in Mahad Salaad uu aqbalay iscasilaadooda.

Dhowaanahan ayaa la filayaa in shaqsiyaad badan laga eryo Hay’adda, waxaana hoos loo magacaabay Agaasimaha Qorsheynta & Tignoolajiyada ee NISA iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Shaqaalaha.

Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxaa garoonka diyaaradaha lagu xiray dhowr sarkaal oo ka tirsan NISA iyo kuwo dhar cad ah, halka kuwo kalena laga qaatay magacyadooda iyo hubkii ay wateen.

Dhinacakale Fahad Yaasiin waxa uu ahaa la taliyaha Madaxweynihii hore, waxaana ilaaladiisa ay tahay mid ay leeyihiin ciidamada Federaalka oo aysan aheyn kuwa Nisa, waana sababta keentay waana sababta keentey in mahad salaad sooceliyo ciidamada NISA talaabadaan waa mid waa faqsan sharciga

Mahad Salaad ayaa qaadaya tillaabo dhab ah oo uu ku nadiifinayo NISA oo sanadihii la soo dhaafey ay fahad iyo asxaabtiisa ay u adheegsan jireen in ay ku dhibaateeyaan shacabka sidhoo kale dhamaan shacabka soomaaliyeed ayaa soo dhabeeye talaabooyinka uu qaadey mahad salaad waxa ayna sheegeen in uu yahay mid ay umada soomaaliyeed ay sugeeyse in badan

Isbadalka lagu sameeyay hogaanka NISA ee garoonka Aden cade ayaa keentay in ay badqabaan dadka garoonka u taga dhoofida iyo imaatinka halka dawladii horey ay ka jirtey cabsi iyo is maquunis garoonka dhaxdiisa isbadalka ku yimid NISA waxaa laga dareemaayaa guud ahaan dalka

 

Post a Comment

0 Comments