Nin iyo xaaskiisa oo lagu xukumay 15 sano oo xarig ah

 

Maxkamadda Ciidamada

Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa nin15-sano oo Xabsi Ciidan ah ku xukuntay Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo xaaskiisa Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim oo lagu helay danbi ah in ay ka tirsanaayeen Kooxda Daacish.

Bishii Maarso sanadkan ayay Ciidamada Amniga soo xireen, sida lagu sheegay war lagu fafiyay Warbaahinta Dowladda, habraac maxakameed kadib, waxaana la sheegay in si gaar ah u qaabilsanaayeen samaynta qaraxyada iyo kaydintooda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa baaritaan dheer kadib Maxkamadda Ciidamada QS waydiistay in la maxkamadeeyo eedeysanayaan billowgii June, isla xilligaas ayay Maxkamaddu aqbashay dhegeysiga Dacwadda Dayib Macalim iyo Xaliimo Cabdi.

Ma aha markii ugu horreysay ee nin iyo xaaskiis ka tirsan kooxaha Dowladda dagaalka kula jira, xabsi muddo dheer ah lagu xukumo, waxaa inta badan haweenka lagu helaa in ay qaabilsanaayeen qarinta hubka ay ku hol-galaan kooxaha ay la shaqeeyaan.

Shantii sano ee la soo dhaafay Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish waxa ay si weyn ugu dhex milnaayeen hay’adaha amniga, waxayna fursad xooggan u heleen in kooxo badan oo isku xirann caasimadda ka dhex sameeyaan, sida ay KON u sheegeen saraakiil ka tirsan NISA.

 

Post a Comment

0 Comments