Sababta ka dambeysay dabkii shalay ka kacay suuqa Bakaaraha oo la ogaaday

Sababta ka dambeysay dabkii shalay ka kacay suuqa Bakaaraha oo la ogaaday

Sababata ka danbaysay dabkan xoogan 

Faah-faahino dheeri ah iyo macluumaad cusub ayaa waxaa laga helayaa dabkii xooganaa ee shalay ka kacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Somaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in dabka uu ka dhashay qarax la dhigay goob qashin ah oo ku taalla suuqa kadibna uu sidaas ugu sii fiday goobo kale, taas oo sababtay gubashada.

Khasaaraha uu dabkaasi gaystay 

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxa dhacay kahor inta uusan kicin dabka, waxaana jira dhaawacyo kale, sida uu xaqiijiyay afhayeenku.

Sidoo kale waxaa jira khasaare baaxad leh oo uu gaystay dabka saaka qabsaday qayb kamid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

“Goobaha ganacsiga ee gubtay waa 12 boos, waana wax roon iyo wax toos u gubtay” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha.

Dhaq-dhaqaaqa suuqa ayaa sidoo kale hakad galay, waxaana saameyn guud ku yeeshay dabka maanta ka kacay halkaasi.

Xaalada hadda ee suuqa bakaaraha 

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana suuqa gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo ka warbixiyay xaaladda guud ee suuqa.

Gubashada suuqa Bakaaraha ayaa marar badan soo laa-laabatay, dowladduna ma baarto sababta keenta dabka sanad kasta ugu yaraan hal mar ka kaca suuqa Bakaaraha.

Post a Comment

0 Comments