Somaliya oo ku guulaysatay Billada caalamiga ah ee ODA AWARD

Maxay tahay abaal-marinta caalamiga ah ee Soomaaliya ay ku guuleysatay?

Somaliya oo ku guulaysatay Billad caalami ah.

Somaliya ayaa ku guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee billada ODA AWARD, taasi oo si rasmi ah looga dhawaaqay munaasabad ka dhacday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Munaasabad weyn oo ka dhacday Addis Ababa ayaa looga dhawaaqay natiijada soo baxday oo noqotay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay sanadkan 2023 si rasmi ah ugu guulaysatay billadda ODA AWARD.

Maxay tahay billada caalamiga ah ee ODA AWARD

Billadda ODA AWARD ayaa ah abaal-marin la siiyo dalalka Geeska Afrika iyo hay’adaha caalamiga ah ee horumarka muuqda ka sameeyey arrimaha dhaqanka, farshaxanka iyo suugaanta, waxaana hanashada abaal-marintan baratan adag u galay dalal Afrikaan.

Danjiraha Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa billadda ODA AWARD guddoonsiiyay ku-xigeenka maareeyaha Wakaaladda Murtida iyo Madadaalada Qaranka Abwaan Maki Xaaji Banaadir oo safar shaqo ku tagay dalka Ethiopia.

Maki Xaaji Banaadir ayaa sidoo kale waxaa ku wehliyay madaxa qaybta far-shaxanka ee waaxda dhaqanka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Sababta ay Somaliya u hanatay Billadan

Soomaaliya ayaa la sheegay inay heerkan kusoo gaartay dedaalka dawladnimada xambaarsan iyo dib u dhiska ay ku samaysay hay’adaheeda dhaqanka, Suugaanta iyo far-shaxanka.

Danjire Warfaa oo kaashanaya xafiiska u qaybsanaha warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii ay Soomaaliya uga dhex muuqan lahayd xayn-daabyada caalamiga ah ee looga arrinsado ama loogu tartamo guulaha waaweyn ee heer Qaran oo noocan oo kale ah.

Post a Comment

0 Comments