Caalamka ‘oo qiray’ awoodda DF Somaliya kadib qaadistii cunaqabateynta hubka

Caalamka ‘oo qiray’ awoodda DF Somaliya kadib qaadistii cunaqabateynta hubka

War cusub oo ay soo saartay DowladdaSomaliya

Dowladda Federaalka Somaliya ayaa war cusub kasoo saartay xayiraadda hubka ee dhowaan laga qaaday iyo soo iibasashada hubka culus, kadib markii ay su’aallo ka dhasheen sida loo maareynayo hubkaas, si uusan gelin gacan kale.

Xuseen Macallin Maxanuud oo ah lataliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha ayaa ka hadlay su’aalaha ku geedaaman awoodda dowladda federaalka ee ku aadan xakameynta hubka, maadaama loo fasaxay iibsashadiisa.

Lataliyaha amniga ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ay bishii September kasoo gudubtay dhammaan shuruudihii hubinta si loo ogaado awoodda ay u leedahay arrintaan, sidaas darteedna lagu aamini karo qorshahaas in ay fuliso, ayada oo kadib laga qaaday cunaqabateynta

Sidoo kale wuxuy hoosta ka xariiqay in caalamka uu qiray in dowladda dhexe ay awood u leedahay maareynta hubkan, kadibna ay sidaas ku timid aaminaadda iyo kalsoonida buuxda ee la siiyay dowladda Soomaaliyeed.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in cid kasta aysan soo iibsan karin hubka waa weyn, uuna baahan tababar iyo awood gaar ah, taas oo haatan kaliya leedahay dowladda federaalka.

Dawladda oo wada qorshe lagu xakamaynayo iibsashada hubka la fasaxay.

Dowladda Federaalka Somaliya ayuu sheegay in awooddeeda isugu gaynayso sidii ay u dhaqangelin lahayd shuruucda lagu maamulo hubka si looga hortago in dalka uu soo galo hub gaar ahaan kuwa waaweyn ee xayirnaa oo aanay si fudud qof weliba usoo iibsan karin.

Si kastaba, waxaa haatan socdo qorshe ku aadan meelmarinta xeerka xakameynta hubka oo hoyaalla baarlamaanka Somaliya, kaas oo maray akhrinta 1-aad, wuxuuna muhiimad gaar ah u leeyahay hab maamulka awood ee hubka soo galaya dalka iyo in la xadeeyo hubkaas si aanay dhibaato horleh u keenin.

Post a Comment

0 Comments