Somaliya oo dib u hanatay xuquuqdeedii dayax-gacmeedka

Somaliya oo dib u hanatay xuquuqdeedii dayax-gacmeedka

Faaf-faahin xuquuqda ay hanatay Somaliya.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa ku guulaysatay soo celinta xaqa ay Somaliya u leedahay in ay hesho khayraadka meeraha dayax-gacmeedka baahinta isgaarsiinta.

Guushan, oo tilmaamaysa dhammaadka geeddi-socod adag oo socday muddo sanad ah,si waafaqsan ujeeddooyinka qaraarka 559 ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) waxa ay horumar u tahay dhinaca isgaarsiinta dalka.

Shir ka socda magaalada Dubai

Magaalada Dubai oo uu ka soconayo shirweynaha isgaarsiinta raadiyaha adduunka waxaa toddobaadkan lagu qabtay munaasabad loogu dabbaal-dagayo guusha ay 31 dal oo Afrikaan ah ka gaareen inay dib u hantaan kheyraadkooda dayax-gacmeedka ee ay hore u haysteen shirkado iyo dalal kale.

Somaliya ayaa waxay ka mid tahay dalalkii ku guuleysatay inay dib ula wareegaan kheyraadkooda dhinaca isgaarsiinta dayax-gacmeedka.

Guushani ayaa horseedaysa in horumar dheeri ah laga gaaro dhinaca isgaarsiinta dayax-gacmeedka, waxayna suurta-gelineysaa in dayax-gacmeedka looga faa’iideysto sidii isgaarsiinta loo gaarsiin lahaa dalka oo dhan.

Waxay sidoo kale u gogol xaaraysaa xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee isgaarsiinta, gaar ahaan dalalka Afrika.

Soo-celinta kheyraadka dayax-gacmeedka waxay horumar weyn ku soo kordhin doontaa qeybaha isgaarsiinta, warbaahinta, iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

Guushan laga gaaray baahinta isgaarsiinta dayax-gacmeedka ayaa ka dhigan waa cusub oo u baryay adeegyada ku shaqeeya isgaarsiinta iyo teknolojiyada, taas oo saameyn toos ah ku yeelan doonta geedi-socodka horumarka qaranka.

Post a Comment

0 Comments