Somaliya oo caawa si rasmi ah looga cafiyay deyntii

Somaliya oo kamid noqotay dalalka aan wax dayna lagu lahayn.

Guusha caawa Somaliya usoo hoyatay.

Guddiga Sare ee Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa goordhawayd si rasmi ah ugu dhawaaqay deyn cafinta Somaliya.

Somaliya ayaa waxaa laga cafiyay deyn ka badan 5-bilyan oo dollar, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

60 sano kadib caawa Somaliya waa laga cafiyay deynta, waana guul kale oo taariikhi ah oo dowladda Soomaaliya ay gaartay isla bishan December ee dhamaadka 2023-ka.

Arrintaan ayaa guul weyn iyo fursad u ah shacabka Soomaaliyeed, iyada oo dowladda ay ku baaqday in laga wada-shaqeeyo mustaqbalka ifaya ee Soomaaliya.

Kadib ku dhawaaqista in Soomaaliya laga cafiyay deynta waxay dowladda federaalka ah ay ku qasban tahay abuurista ilihii isku filnaanshaha, waxaana istaagi doonta inta badan kaalmadii lacageed ee ka imaan jirtay dibadda.

Heerarka  kala duwan ee ay soo martay dayn cafinta:

2012: Wuxuu ahaa billowga geeddiga deyn cafinta Somaliya.
2013: Dowladda federaalka ayaa dib ugu biirtay sanduuqa lacagta adduunka ee IMF.

2015: Waxaa Somaliya iyo IMF u billowday wada-hadallo la xiriira dhaqaalaha.
2016-2020: Waxaa billowday SMP, (Hannaanka deyn cafinta).

2020: Waxaa billowday ECF, wajiga labaad hannaanka deyn cafinta, kaas oo socday illaa 2023.

2023, 13 December oo ay maanta tahay waxaa si buuxda Soomaaliya looga cafiyay dhammaan deymihii lagu lahaa.

Post a Comment

0 Comments