Xasan Sheekh oo dalab horleh u gudbiyay IMF iyo Bankiga Adduunka

Xasan Sheekh oo dalab horleh u gudbiyay IMF iyo Bankiga Adduunka

Xassan sheekh oo kulamo la yeeshay madax ku sugan New York.

Madaxweynaha Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay ayaa kulamo ka bilaabay halkaasi, kadib markii ay Soomaaliya xaqiijisay guusha dayn-cafinta.

Xasan Sheekh ayaa la kulmay mas’uuliyiinta ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka, isaga oo uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka soo hooyay barnaamijka dayn-cafinta, sida ay shaacisay Villa Somaliya.

Dalabka madaxwaynuhu Gudbiyay.

Madaxweynaha ayaa Hay’adda IMF iyo Bankiga Adduunka u gudbiyay dalab culus, isaga oo ka codsaday in Soomaaliya ay ku garab istaagaan himilooyinkeeda kale.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u dalbaday inay ka gacan siiyaan tayeynta hay’adaha maaliyadda, kor u qaadista dakhliga gudaha iyo maalgashiga caalamiga ah.

Somaliya oo wali udabaal dagaysa guusha dayn cafinta.

Dalabkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay Somaliya laga cafiyay dhammaan dayntii lagu lahaa sanadaha badan, oo soo martay heerar kala duwan tan iyo sanadkii 2012-kii.

Si kastaba, Dowladda Somaliya ayaa xalay u dabaal-degtay in laga cafiyay deyn ka badan 5-bilyan oo dollarka Mareykanka, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Post a Comment

0 Comments