Khasaaraha dhimashada dagaal beeleed ka qarxay Sh/Dhexe oo gaaray 30 qof

Khasaaraha dhimashada dagaal beeleed ka qarxay Sh/Dhexe oo gaaray 30 qof

Wararka ka imanaya gobolka Shabeelaha Dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolkaas oo ay shalay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo aad u badan.

Dagaalkan oo dib uga qarxay inta u dhexeysa deegaanada Bur Shiiq iyo Biyo Cadde ayaa u dhexeeyay beelaha Cabdalla Caroone iyo Habar-Nugaal, kuwaas oo iska dilay dad badan.

Khasaaraha dhimasho ee uu sababay dagaalkaasi

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii ugu xumaa uu shalay dhex-maray labada dhinac, kaas oo soo gaaray illaa gelinkii dambe, waxaana sii kordhaya khasaaraha dhimashada oo gaaray ku dhawaad 30 qof oo labada dhinac ah, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolkaas oo ay shalay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo aad u badan.

Dagaalkan oo dib uga qarxay inta u dhexeysa deegaanada Bur Shiiq iyo Biyo Cadde ayaa u dhexeeyay beelaha Cabdalla Caroone iyo Habar-Nugaal, kuwaas oo iska dilay dad badan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii ugu xumaa uu shalay dhex-maray labada dhinac, kaas oo soo gaaray illaa gelinkii dambe, waxaana sii kordhaya khasaaraha dhimashada oo gaaray ku dhawaad 30 qof oo labada dhinac ah, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Dadka dhintay waxaa kamid ah haween iyo carruur, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah oo u warramay warbaahinta maxalliga ah.

Xaaladda ayaa lagu soo warramayaa inay weli kacsan tahay, waxaana deegaanada lagu dagaalamay gaaray gurmadyo horleh, taas oo sii hurin karta dagaalka kasoo cusboonaaday bariga gobolka Shabeelaha Dhexe.

Majiro Wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda hirshabeele.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda HirShabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi khasaaraha badan dhaliyay.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana dhaqan-geli waayay heshiisyo nabadeed oo la kala dhex dhigay beelaha ku dagaalamaya halkaasi.

Post a Comment

0 Comments