Maleeshiyaad hubeysan oo saaka dilay Aabe iyo Wiilkiisa.

Maleeshiyaad hubeysan oo saaka dilay Aabe iyo Wiilkiisa iyo Wararkii u dambeeyay

Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud.

Maleeshiyaad hubeysan oo la sheegay in ay kasoo jeedaan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa saakay dil iyo dhaawac u geestay qoys shacab ah oo deganaa tuulo hoostagta degmada Xeraale.

Sida aan wararka ku helnay maleeshiyaadka hubeysan ayaa weeraray guri kuyaalla tuulada Xanantuur, waxa ayna halkaasi ku dileen aabe iyo wiilkiisa ,halka ay dhaawac gaarsiiyeen hooyadii qoyskaasi.

Maleeshiyaadkii dilka iyo dhaawaca u geestay qoyska shacabka ahaa ayaa la sheegay in ay goobta isaga tageen, waxaana qoyskan dilka iyo dhaawac loo geestay la tilmaamay in ay kasoo jeedaan magaalada Cadaado.

Dilalka oo kusoo badanaya Galmudug

Dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil ayaa maalmahan kusoo badanaya deegaannada maamulka Galmudug, waxaana xalay oo u dambeysay duleedka magaalada Dhuusomareeb aano qabiil darteed loogu dilay afar nin oo xoolo dhaqato ahaa.

Maamulka Galmudug uu hoggaamiyo madaxweyne Qoor Qoor ayaana ku guul dareestay in ay wax ka qabtaan xal waarana u helaan dilalka ku saleysan aanooyinka qabiil ee kusoo noq noqda deegaannada maamulkaasi ka taliyo.

Post a Comment

0 Comments