Nin gowracay wiil uu adeer u yahay oo lagu qabtay Muqdisho

Nin Muqdisho ku gowracay wiil yar uu adeer u ahaa iyo booliiska oo ka hadlay

Wararka a imanaya magaalada Muqdisho

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa booliska oo howlgal ka sameeyay magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu gowracay wiil uu adeer u yahay, dhacdadaas oo ka dhacday degmada Xamarjajab.

Eedeysanaha oo hadda ku jira gacanta booliska Somaliya ayaa loo haystaa inuu gelinkii ee Axaddii uu degmada Xamarjajab ku gowracay wiilka oo siddeed sano jir ahaa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska booliska ee qaybta gobolka Banaadir.

“Ciidanka Booliiska Saldhiga Degmada xmar-Jajab ayaa qabtay nin gowracay Wiil  uu adeer u ahaa, falkaan ayaa dhacay Abaaro 5:40pm waxa uuna ka dhacay isla Degmada Xamar-jajab” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray taliska ciidamada booliska gobolka Banaadir.


Sidoo kale eedeysanaha oo loo soo bandhigay warbaahinta iyo shacabka Soomaaliya ayaa booliska waxa uu sheegay in haatan ay ku hataan baaritaano dheeraad ah

“Wiilka ayaa da ahaan jiray 8 sanno, Eedeysanaha falka geystay ayaana hada ku jira gacanta Ciidanka Booliiska, waxaana socda baaritaan” ayaa lasii raaciyay bayaanka.

Taliska oo sheegay in eedaysanaha si degdeg ah loo maxkamadaynayo 

Ugu dambeyn talisku waxa uu sheegay in eedeysanaha si deg-deg ah loo horgeyn doono maxkamad, si cadaaladda loo horgeeyo, loogana qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Waxaana la horgeyndoonaa Maxkamadda awooda u leh” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay booliska.

Falkan argagaxa leh ayaa xanuun ku reebay ehellada ilmaha yar iyo dadka deegaanka, waxaana sidoo kale si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka.

Post a Comment

0 Comments