Ciidamada ammaanka Muqdisho oo howlgallo culus ka fuliyay saddex degmo

Ciidamada oo hawlgal ka sameeyay Muqdisho

Ciidamada ammaanka ee dowladda Somaliya ayaa xalay howlgallo culus ka sameeyay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Howlgalladan oo ay si wadajir ah isaga kaashadeen ciidamada Booliska iyo kuwa xasilinta ee Boolis Milataaro ayaa waxaa laga fuliyay Heliwaa, Yaaqshiid iyo Warta Nabadda.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in ciidamadu ay isku fidiyeen xaafadaha saddexdaan degmo, ayna ka sameeyeen baaritaano saacado qaatay.

Inta uu howlgalka socday waxaa lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood lasii daayay, halka kuwa kale ay weli su’aallo weydiinayaan laamaha amniga.

Ma jiro weli wax faah-faahin ah oo ay hay’adaha amniga ka bixiyeen howlgalladaas xalay ka dhacay degmooyinka y Heliwaa, Yaaqshiid iyo Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, balse saraakiil aan la hadalnay ayaa innoo sheegay in ujeedka uu ahaa amni xaqiijin.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in howlgallada ay sii socon doonaan, isla-markaana laga sameyn doono dhammaan degmooyinka kale ee ku yaalla gudaha caasimada.

Howlgalladan ayaa kusoo aadayo, habeen kadib markii weeraro toos ah oo qaraxyo ku billowday ay Al-Shabaab ku qaadeen degma Kaxda, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan.

Waxaa sidoo kale  ka horreeyay weerar kale oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo maalin kahor ka dhacay agagaarka isgoyska Ifka Xale ee Muqdisho.

Dhammaanka falalkan amni darri ayaa dhacaya, xilli ay dowladda Somalia iyo Al-Shabaab ay isku hayaan jiida hore ee dagaalka, kaas oo ay isku fara saareen labada dhinac.

Post a Comment

0 Comments