Qarax loo adeegsaday gaari oo ka dhacay Muqdisho + Khasaaraha

Qarax muqdisho ka dhacay

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu waday ruux naftiisa biimeeyay ayaa saakay ku qarxay xarunta dhul-bixinta dowladda hoose ee Xamar, taa oo kutaalla isgooska Ifka Xalane ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari nuuca Soomaalidu u taqaan Layla Calaawi, waxaana la sheegay in gaariga Al Shabaab kasoo dhigeyn mid aan xabadaha yar yar karin, si uu uga gudbo koontaroolada ciidanka.

Afhayeenka ciidaka booliiska Somaliya oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in Al Shabaab qaraxa u adeegsadeen gaari ay soo maduufikeeyeen, waxa uuna xusay in gaariga si xoog ah uga gudbay koontaroolkii ciidanka joogeen.

Waxa uu sheegay afhayeenka in qaraxa saakay ka dhacay xarunta dhul-bixinta dowladda hoose ee Xamar in ay ku dhinteen labo qof uu ku jiro ninkii gaariga qarxay waday, sidoo kale ku dhaawacmeen labo qof oo kale.

Qaraxa ayaa sidoo kale waxyeelo xooggan gaarsiiyay gaadiid iyo agabyo kale ay laheyd shirkad dhinaca nadaafada ka shaqeysa , taa oo ku shaqeeneysay xarunta saakay qaraxa lagu weeraray.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay qaarkood sheegteen xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Post a Comment

0 Comments