Fahad Yasin Oo Hub Casriya Dalbaday kuna sugan iran


A C -WARAR

Taliyaha Nabad sugida Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa kusugan Dalka Iiraan isagoo halkaas kasoo qaadi doona hubkii loo qeybin lahaa ciidamadan Kusugan Dalka Eretariya.

Askartaan oo loo badinayo iney dhowaan soo gaari doonaan Magaalada Muqdisho ayaa loogu talo galay in lagu cabburiyo dhammaan Musharrixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Ciidamadaan loo tababaray qaabka cusub ayaa ladoonayaa in lagu beddelo dhammaan ciidamada kahowl-gala gudaha magaalada Muqdisho.

Ujeeddada ugu weyn ayaa ah in Musharrixiinta la go’doomiyo oo loo diido la kulanka Dadka si aysan u helin fursad ay ku ololeeyaan ilaa laga gaarayo maalinta doorashada.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidamadaan qeyb kamid ah loo gudbin doono Goballadda si iyana loogu hor istaago musharrixiinta aan Dowladdi taageersaneyn ee xildhibaan doonka ah.

Ugu dambeyn Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowaan safar kutegay Magaalada Asmara ee Dalka Eretariya.

Safarkaas oon horay wax war ah looga heyn ayaa hadda la ogaaday iney khuseeysay arrinta ciidamadaan dhowaan kusoo wajahan magaalada Muqdisho mana jirto war arintaan kusaabsan oo Villa Soomaaliya ku beenisa

Post a Comment

0 Comments