Farmaajo, Rooble, fahad iyo Qoor Qoor oo xalay kulan gaar ah ku yeeshay Madaxtooyada.

 




A C-WARAR

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Madaxtooyada.

Warar la helayo ayaa sheegaya in kulanka oo saacado badan qaatay looga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka dhacaya dhammaadka sandkaan 2020/2021 iyo qodobo kale oo qorsheysan.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaana kulankaas uu ahaa mid Albaabada ay u xirnaayeen oo u dhexeeyay Madaxda kulmay oo kaliya.

Sidoo  kale Kulankan ayaa ku soo aaday xilli xaalada siyaasadeed ee dalka ay marxalad xasaasi ah mareyso, isla markaana muran uu ka taagan yahay Guddiyadda doorasho ee dhowaan la magacaabay, ayna siweyn uga soo horjeedan Musharaxiinta xilka Madaxweynaha.

Kulanka ayaa imanaya maalmo kadib markii mucaaradka ay dalbadeen in guddiyadaas wax laga beddelo, sidoo kalena uu is-casilo Fahad Yaasiin, iyo qodobo kale oo dhowr ah

Qoor Qoor ayaa horey uga ballan-qaaday musharaxiinta mucaaradka inuu beddelayo guddiyada doorashada ee Galmudug, oo la rumeysan yahay inay soo magacowday dowladda federaalka, balse uu magaciisa un ka saxiixay, balse wuxuu shuruud ka dhigay in maamullada kalena ay sidaas oo kale ay sameeyaan.

Si kastaba, kulankii xalay ka dhacay Villa Somalia ayaa meesha ka saaraya rajadii yareyd ee laga qabay in Qoor Qoor uu kusoo laabto dhex-dhexaadnimo kana soo baxo gacanta Villa Somalia, mana cadda sida ay mucaaradka ugu kalsoonaan karaan tallabo kasta oo uu qaado hadda kadib.

Post a Comment

0 Comments