Qabiilka hawiye ayaa cadeeyay inay la dagaalamayaan farmaajo iyo dowladiisa kadib hubkii ugu badnaa ee ay ka iibsadeen magaalada muqdisho



 A C-WARAR

Sare u kaca ku yimid qiimaha hubka ee hada kajira dalka Soomaaliya wuxuu tilmaan adag u yahay hub aruursiga ay uruursadeen qabiilka Hawiye, hadii arinta aan wax laga qaban, Soomaaliya waxay galaysaa godka mugdiga ah, Farmaajo  dalka mi yuu ka badbaadin dagaal? Oo si nabad ah ayuu xukunka u wareejin?

Farmaajo muxuu sameyn doonaa kadib markii qabiilka Hawiyyah ay cadeeyeen inay la dagaalami doonaan Farmaajo iyo dowladiisa musuq maasuqa ah kadib hubkii ugu badnaa ee ay ka iibsadeen magaalada Muqdisho, waxa eeyna sheegeen in farmajo uu u horseedi doono Soomaaliya  dagaal sida adeerkiis Maxamed Siyaad Barre 1991..

 Xasan Nuur oo taxliiliya arrimaha ammaanka ayaa sheegay in hadalladii u dambeyay oo ay warbaahinta isku mariyeen siyaasiyiinta mucaaradka ah, kuwa taageersan xukuumadda iyo waliba sida hanaanka loomarayi doorashada dalka ay muujineyso khataro badan oo dhanka ammaanka iyo kala dambeynta dalka soo wajihi kara, maadaama sida uu sheegay beelaha qaar ay is hubeynayaan.

Post a Comment

0 Comments