Wararkii ugu dambeeyay Shirka musharixiinta

 


A C-WARAR

Musharixiinta uu Shirka uga socdo hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa ka dalbaday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur-galbeed inay dib uga laabtaan magacabida guddiyada doorashooyinka ee ay magacaabeen.

Musharaxiinta oo qoraal ka soo saaray kulankooda ayaa sidoo kale ka dalbaday DF iyo dowlad goboleedyada iney gudiyada doorashada ka saaraan xubnaha Amniga ka tirsan, iyo NISA  iyo Shaqaalaha Dowladda iyo kuwa ku caanka ahaa taageerada Dowladda.farmajo iyo fahad yasiin

Shirka ay isugu imaadeen musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa ujeedkiisu yahay in Soomaaliya laga  badbaadiyo faragelinta guddiga kormeeraya doorashooyinka.

 

Xulitaanka Rubelli ee gudigan waa hadafkiisa uu yahay in lagu musuqmaasuqeeyo doorashada si Farmaajo iyo dowladiisa u soo laabato

 


Post a Comment

0 Comments